Qarax Gaari oo ka dhacay Muqdisho

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal Qarax ayaa ka dhacay Waddada Maka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Sayidka,waxaana warar soo baxaya ay sheegaan in uu qarxay Gaari nooca raaxada ah.

Gaadiidka Gurmadka deg degga ah ayaa ku qulqulaya goobta qaraxu uu ka dhacay si ay ugu gurmadaan dhibbanayaasha.

Qaraxa ayaa la aaminsanahay in uu ahaa mid lagu xiray gaariga Qarxay.

Wixii kusoo Kordha kala Soco Risaala.net