Ugaas Cabdi Dhoore oo Muqdisho lagu dhaawacay

Muqdisho-RisaalaFM- Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Labo Dhagax waxaa gelinkii dambe ee maanta lagu dhaawacay Ugaas ka soo jeeda Degaanada Galmudug.

Koox ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dhaawaca loo geystay Ugaaska, iyaga oo goobta ka baxsaday falka kadib.

Ugaaska la dhaawacay ayaa Dadka Degaanka waxa ay magaciisa ku sheegeen Cabdi Dhoore, kaasi oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee xildhibaanada ku soo doortay Degaanada Galmudug.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta Risaala u sheegay Ciidanka ammaanka in ay goobta soo gaareen daqiiqado kadib markii Dableyda ay baxsadeen.

Dhaawaca Nabadoon Cabdi Dhoore ayaa waxaa loo qaaday mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho, si xaaladiisa caafimaad loola tacaalo.

Maalin ka hor Degmada Waaberi waxaa lagu dilay C/qaadir Farey oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee xildhibaanada ku soo doortay Magaalada Baydhabo, sidoo kale shalay waxaa Degmada Hodan lagu dilay Sayid Cali Xuseen (Abtidoon) oo isna xildhibaanada ku soo doortay Magaalada Cadaado.

Magaalada Muqdisho, ayaa noqotay goobta ugu badan ee lagu bartilmaameydsado xubnaha ka tirsan Ergadii Xildhibaanada ku soo kala dooratay Magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Muqdisho, Jowhar, Cadaado iyo Garoowe.