Jowhar-RisaalaFM- Waxaa goor dhow Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe lagu doortay Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle.
Xilka Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle waxaa u tartamayay Musharaxiinta kala ah Maxamed Cabdi Waare iyo Cali C/laahi Cosoble, iyadoo inta aysan Doorashada bilaaban uu u is casilay Cali Maxamed Caraale oo ahaa Musharaxii Saddexaad.
Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle ayaa lo doortay Cali C/laahi Cosoble oo helay 61 halka Maxamed Cabdi Waare oo la tartamayay Cali C/laahi Cosoble uu helay 36
Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa intooda badan codkooda siiyay Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble.
Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa loo dhaariyay xilkiisa cusub, waxaana goor dhow laguda geli doonaa Doorashada Madaxweyne ku xigeenka Maamulkan.


