Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaray degmada Shibis ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay goor dhow degmadaasi ku dileen Gudoomiye Waaxeedka 4-aad ee Shibis.
Gudoomiye Waaxeedka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Ilyaas C/laahi Sheekh, iyadoo kooxihii dilka geystay ay ka baxsadeen goobta sida Dad goob joogayaal ah ay Risaala u sheegeen.
Afhayeenka maamulka gobolka Bnaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in la dilay Gudoomiyihii Waaxda 4-aad ee degmada Shibis C/laahi Ilyaas Sheekh, sidoo kalena ciidanka amaanka ay ku raad joogaan kooxihii dilka geystay.
Maalmihii u dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan kuwaa oo lala beegsanayay Mas’uuliyiinta dowladda iyo dad shacab ah.


