Beledweyne-RisaalaFM- Wararka aan ka heleyno gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in caawa fiidkii degaanka Baardheere oo ku yaalla duleedka magaalada Beledweyne lagu dilay nin oday ahaa.
Dadka degaanka ayaa Idacadda Risaala u sheegay ninka la beegsaday in lagu magacaabi jiray Tobane Ciilow, iyada oo xilliga la beegsanayay uu watay gaari nuuca raaxada ah.
Ilo wareedyo ayaa waxa ay inoo sheegeen in Tobane ay beegsadeen rag hubeysan, kuwaasi oo dilka kadib ka kaxeystay gaari yar oo uu watay marxuumka.
Wiil uu dhalay marxuumka ayaa dilkan wuxuu ku eedeeyay Al Shabaab, wuxuuna yiri “Wuxuu ka baxay magaalada Baladweyne, wuxuu ku sii jeeday degaanka Booco, gaari NOHA ayuu watay, Al Shabaab ayaa ku qabatay degaanka Baardheere, waa istaajiyeen kadibna way dileen”.
Maamulka gobolka Hiiraan iyo sraakiisha ciidanka dowladda federalka weli kama aanay hadlin dilkan, balse waxaa socda baaritaano la xiriira sida ay wax u dhaceen.


