DEG DEG: Israsaaseyn Khasaare geysatay oo Muqdisho ka dhacday

Wararka naga soo gaaraya Beerta Jaadka ee degmada Hodan ee  Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in rag ku labisan dharka Ciidamada dowladda Soomaaliya ay isku rasaaseeyeen halkaasi.

Ugu Yaraan Shan qof ayaa ku dhimatay goobtii ay israsaaseyntu ay  ka dhacay oo ah iridda Hore ee beerta Qaadka.

Dadka degaanka ayaa Risaala u sheegay in sidoo kale ay jiraan dad dhaawacyo ay soo gaareen.

Waxii kusoo kordha kala soco Risaala.net