Hoobiyeyaal lagu Weeraray Garoon ku yaalla gobolka Sh/hoose

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow Al-Shabaab ay Madaafiic ku weerareen  qeybo ka mid ah Magaalada.

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen dadka degaanka Hoobiyeyaasha ayaa lagu weeraray Garoon ku yaalla Duleedka Magaalada.

Xilliga ay hoobiyeyaasha Shabaab ay kusoo ridaayeen Garoonka ayaa waxaa ku sugneyd Diyaarad Helicopter ah.

Dadka degaanka ayaa noo xaqiijiyay in diyaaradda aysan waxba soo gaarin Madaafiicdana ay ku dhaceen Meel Maqaayad ah.

Inta la xaqiijiyay  hal qof ayaa ku dhintay Waxaa sidoo kale jira dhaawacyo aan badneyn.