Haweenay Gaari lagu jiirsiiyay Muqdisho

Inta la xaqiijiyay hal qof oo dumar ah ayaa ku dhintay ka dib markii gaari Caasi ah oo uu waday wiil dhalinyaro ah uu shil ku galay Wadada Makah Almukaramah gaar ahaan kasoo horjeedka Hoteel Mubaarak ee Magaalada Muqdisho.

Gaariga ayaa ku socday si xowli ah, waxaana la sheegay in uu xoog ku jiirsiiyay qof dumar ah oo waayeel ah oo wadada goynaysay.

Haweeyndii ayaa halkaasi ku dhimatay, waxaana ciidamada Ammaanka oo halkaasi soo gaaray ay gacanta ku dhigeen darawalkii waday gaarigii falkaasi geystay.

Inta badan Gaarida Shilalka ka geysta Muqdisho ayaa waxaa wadda dhalinyaro da’yar oo qaarkood aan aqoon badan u laheyn wadida Gawaarida.