Gaari Qarax looga shakiyay oo lagu arkay Muqdisho

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Goor dhow xiray Wadada Makaha Al-mukaramah ka dib markii ay ka shakiyeen Gaari lasoo dhigay meel u dhow Hoteelka Makah Al-mukramah.

Dadka Shacabka ah iyo Gawaarida ayaa loo diiday in ay maraan wadadaasi , maadaama Saraakiisha Amniga ay Gaarigaasi Qarax uga shakiyeen.

Gaariga ayaa la sheegay Muddo ku dhow Saacad in uu yaallay goobta.

Wadada Makah Al-mukaramah ayaa hadda haawaneysa.