Wararka naga soo gaaraya Xaafada Suuq Bacaad ayaa sheegay in Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay halkaasi.
Gaariga ayaa la sheegaya in uu ahaa nuuca raaxada sida ay idaacadda Risaala u sheegeen dadka deegaanka.
Gaariga ayaa la soo dhigay meel ku dhow isgoyska Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir.
Wali lama oga khasaaraha ka dhashay Gaariga ku qarxay Isgoyska Suuq Bacaad.
Wararka Qaar ayaa sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen ninkii waday gaarigaasi.


