Wararka naga soo gaaraya Isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo hubeysan ay toogteen Askari la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Xilliga uu dilku dhacaayay ayaa la sheegay in Askarigu uu saarnaa Gaari PL ah oo ay Saarnaayeen dad Shacab ah.
Sidoo kale Kooxihii dilka Geystay ayaa goobta ka baxsaday waxaana la sheegay in ay horay sii qaateen Qorigii uu Watay.
Dilalka loo geysanayo Askarta Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale dadka Shacabka ah ayaa kusoo badanayay Magaalada Muqdisho bilihii lasoo dhaafay.


