Arsenal iyo xulka England ninka ka tirsan ee Danny Welbeck ayaa garoomada ka maqnaanaya muddo sagaal bilood ka dib markii qaliin jilibka ah uuu u baahday.
Welbeck, oo 25 jir ah, ayaa dhaawac jilibka midig ah uu soo gaaray kulankii kooxdiisa ay 2-2 la gashay Manchester City Axada , waxaana uu seegi doonaa Euro 2016.
War kasoo baxay kooxda ayaa lagu yiri “baaritaan la sameeyay ayaa shaaca ka qaaday in dhaawac uu yahay mid weyn” waana dhabar jab kooxda ku yimid.
website Arsenal ayaa lagu xaqiijiyay in ninka hore ee Manchester United dhaawac carjawda oo weyn uu soo gaaray.
Welbeck ayaa keliya dhaawac ka soo gaaray jilibka kale markii u dhawaan ka soo laabtay bishii February dhawac kale oo sagaal bilood ku maqnaa.
War qoraal ah ayaa lagu yiri: “Qof kasta oo Arsenal way adag tahay inuu maqlo dhawaca Danny aad ayaan kaga xunahay.


