Faah faahin:- Dagaalka galabta ka dhacay Degmada Deyniile

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa dagaal galabta xaafada 77 degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ku dhexmaray laba maleeshiyo beeleed, oo ay kala taageerayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dagaalkan oo si gaar ah uga dhacy meel ku dhaw Haanta-dheer ee degmadaasi ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii labada maleeshiyo beeleed isku qabsadeen arrimo la xiriira dhul.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen in marqura ay maqleen rasaas fara badan oo la is weedaarsaday, kadibna ay dareemeen inuu jiro iska hor imaad u dhaxeeya laba Maleeshiyo beeleed, waxaana dagaalkooda uu ahaa mid culus oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in dhinacyadan dagaalka u dhaxeeyay uu socday waqti ka badan Hal saac, uuna jiro khasaare kala duwan, balse aanan la xaqiijin karin.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baxay dagaalkan, waxaana ay wadaan dadaalo ku aadan sidii xalin lahaa khilaafka iyo isfaham darada jirta, waxaana socda wada hadalo.

31-dii bishii ina dhaaftay ayay aheyd markii dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay oo u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka uu ka dhacay isla xaafada 77 ee degmada Deyniile, kaasi oo la xiriiray isqabqabsi dhuleed.