Boosaaso-RisaalaFM- Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada maamulka Puntland iyo ururka Al-shabaab ayaa ka dhacay Degaanka Af-urur oo ku yaalla duleedka magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii xoogag ka tirsan Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidamada maamulka Puntland ay ku leeyihiin Degaanka Af-urur.
labada dhinac ayaa isku adeegsanayay Hubka nuucyadiisa kala duwan, sida ay inoo sheegeen dadka Degaanka ee halkaasi ku sugan.
Ciidamo gurmad ah oo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ayaa ka baxay magaalada Boosaaso, iyaga oo ku biiray dagaalka ka dhacay Degaanka Af-urur, si ay isaga difaacaan Shabaab.
Weli ma cadda Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo Shabaab ee ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Puntland ayaa dagaal adag waxa ay kula jirtaa dagaalyahanada ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish oo Saldhigyo Millitari ku leh Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.


