Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelwaaq ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay weerar ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.
Dadka degaanka ayaa warbaahinta u sheegay in saakay Aroortii ay kusoo baraarugeen dhawaqa rasaasta oo laga maqlaayay Xaafado ka mid ah degmada Ceel-waaq.
Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay Weerar xooggan ay ku qaadeen Magaalada.


