DEG DEG: Dagaal culus oo ka socda Galbeedka Magaalada Gaalkacyo

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in hada halkaasi uu ka socdo Dagaal u dhaxeeya Ciidamo kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu ku bilowday kadib markii xiisada u dhaxeysa markii Maanta mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ay booqdeen goobtii lagu muransanaa.

Dagaalkana ayaa la sheegay in labada dhinac ay isku adeegsanayaan Hubka nuucyadiisa kala duwan, sida ay Risaala u sheegeen Dadka Deegaanka.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacaayay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.