Wararka inaga soo gaaraya suuqa Bakaaraha gaar ahaan Agagaarka Suuqa Khaliifa ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka kacay Dab khasaare geystay.
Goobjooge u waramay Idaacadda Risaala ayaa sheegay Dabka in uu geystay khasaare hantiyadeed, sidoo kalena laga cabsi qabo in uu ku sii fido goobaha Ganacsi ee halkaasi ku dhow.
Dabka ayaa kacay Saakay Aroortii.
Gaadiidka Dab damiska ayaa waxa ay gaareen goobta uu Dabka ka kacay, si ay u damiyaan Dabkaasi kacay, si uusan u geysan khasaare kale oo dheeraad ah.


