DHAGEYSO: Deeqo Diraac oo ku geeriyootay xabsi ku yaalla Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Xabsiga Dhexe ee Xamar waxaa maanta ku geeryootay Deeqo Diraac oo sanadkii 2014-kii dhamaadkiisa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay ku riday xukun 15 sano ah.

Deeqo ayaa la sheegay mudooyinkii dambe in ay ku xanuunsaneysay xabsiga oo islamarkaana ay la liidatay xanuunka Sokorta, dhaqaatiirna halkaasi ay ku daweynayeen.

Taliye ku xigeenka Xabsiga Dhexe ee Xamar Gen. Maxamed Sheekh Cumar ayaa sheegay in Deeqo Diraac ay xanuunsaneyd, islamarkaana ay u geeryootay xanuunka Sokorta, wuxuuna sheegay in ay horey u diiday in Dhiig lagu shubo.

Gen. Maxamed Sheekh Cumar Taliye ku xigeenka Xabsiga Dhexe ee Xamar oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa sheegay saakay ay isku dayeen in ay dhiig ku shibaan, balse ay geeryootay.