Dawlada Soomaaliya oo sheegtay in Hawlgal lagu dilay 100 Xubnood oo ka Tirsan Alshabaab

Dowladda Soomaaliya  ayaa sheegtay in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Mareykanka ay dileen ku dhawaad 100 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib howlgallo cirka iyo dhulka ah ka fuliyeen deegaannada Gal Libaax iyo Ceel Qurac ee bartamaha Soomaaliya.

Warka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya, ayaa ilaa hadda aysan wax faahfaahin ah ka bixin taliska milatariga Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaan AFRICOM.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u mahad celinaysaa hawlgalka Mareykanka ee caawiya ciidanka Qaranka oo gacan ka siisay hawlgalkan lagu burburiyay Saldhigyo Xubno ka Tirsan Alshabaab oo isku uruursanayay Goobaha Gawlgalka lga fuliyay .” ayaa lagu yiri bayanka dowladda Soomaaliya.

Ma jiro war madax banaan oo xaqiijinaya  tirada khasaaraha halwgallada ay sheegatay dowladda Soomaaliya.