Darawal Mooto Bajaajle oo lagu dilay Muqdisho & Banaanbax ka dhashay

Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa Canshuuraha qaada ee Minashiibiyada ayaa agagaarka Isgoyska Dabka qeybta degmada Waaberi waxa uu ku dilay mid ka mid ah Darawalada mooto Bajaajka ee ka dhex Shaqeysa Magaalada Muqdisho.

Dilka kadib askariga ayaa goobta ka baxsaday,hayeeshee qaar ka mid ah Darawalada Mooto Bajaajka ayaa waxaa ay Isgoyska dabka ka dhigeen banaanbax ay uga careysan yihiin dilka Darawalka mooto Bajaajlaha ahaa.

Wararka Risaala ay heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Saldhiga Booliska degmada Waaberi ay rasaas ku kala eryeen Dhalinyarada Mooto Bajaajta ay banaanbaxa dhigayay.

Mudo daqiiqado ah ayaa waxaa hakad galay isku-socodka dadka iyo Gaadiidka ee Isgoyska Dabka,waxaana banaanbaxayaasha ay dalbanayeen in cadaalada la horkeeno askarigii ka dambeeyey dilkaas.