Darawal Gaari oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

SAWIRKA ODAYGA LA DILAY

Darawalka Gaari oo lagu Magacaabi jiray Cismaan Nuur Geedi ahaana Nin Oday ah ayaa waxaa Maanta lagu dilay agagaarka Isgoyska Carwo Itko ee Degmada Wartanabadda Gobolkan Banaadir.

Askari ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa waxaa la sheegay in Darawalla Gaari uu Xabad uga dhex bixiyay Muraayadda Gaari nooca raaxada ah oo uu watay, isaga oo goobta ka baxsaday.

Qof kamid ah dadka Xaafada Carwa Itko oo dhacdadaas kusoo baxay ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay yimaadeen halka dilka uu ka dhacay, iyaga oo Goobta ka qaaday meydka Marxuumka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si joogto ah uga dhaca dilalka qorsheysan oo loo geysanayo, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Askar iyo dad Shacab ah intaba, waxaana mas’uuliyadda dilalkaas inta badan sheegta Ururka Al-Shabaab halka mararka qaar ay askarta dowladda dilka geystaan.