Dalka Zimbabwe oo laga xusayo dhalashada Madaxweyne Mugabe

Tobanaan kun oo qof ayaa ka qeyb galaya munaasabad lagu xusayo sannadguurada 95-aad ee ka soo wareegatay markii uu dhashay madaxweynaha Zimbabwe, Rober Mugabe.

Dadka Mugabe dhaliila ayaa waxa ay sheegayaan in xafladdaasi oo lagu soo warramaya in ay ku kacayso kharash gaaraya 800,000 oo doolar ay tahay mid aan habboonayn maadaama waddankaasi uu haatan wajahayo abaar.

Madaxweyne Mugabe ayaa awoodda dalkaasi hayay tan iyo sanadkii 1980-kii, xilligaasi oo Zimbabwe ay soo afjartay xukunkii caddaanka laga tirada badnaa, ayna si buuxdo xornimada uga qaadatay Britain.