Slovenia oo noqday dalkii u dambeeyey ee Midwoga Europe oo aqoonsada Dowladda Falastiin

52 Xildhibaan oo ka mid ah 90-ka Xubnood ee Barlamaanka dalka Slovenia ayaa waxay sansixiyeen Mooshin ay Xukuumadda soo gudbisay ee ku aadanaa Aqoonsiga Dowladda Falastiin.
Kulankii lagu ansixiyey Mooshinkaasi ma jirin Xildhibaano diiday iyo kuwo ka aamusay, balse, 38 Mudane ayaan soo xaadirin Kulankaasi.
Xisbiga ugu weyn Mucaaradka dalkaasi ee waxay mucaaradeen Ictiraafka Dowladda Falastiin, halka ay Xisbiga Garabka Midig ku baaqeen in Afti Dadweyne loo qaado Aqoonsiga Dowladda Falastiin, inkastoo ay markii dambe ka tanaasuleen Dalalkooda.
Dhinaca  kale, Ra’isul-wasaaraha dalka Slovenia, Robert Golob oo Xildhibaanada la hadlay ka hor Codeyntaasi waxa uu xusay inay nasiib-xumo tahay inaysan dadka Reer Falastiin weli helin Xuquuqdooda Aaya-ka-Talinta.
RW Robert Golob waxa uu soo hadal qaaday inay dadkiisa Slovenian ay Xuquuqdooda ku riyoon jireen Kun sano, balse ay Dal-weynihii Yugoslavia ka heleen Xorriyadooda sanadkii 1991-kii.
“Annaga (Slovenian ahaan) waxaan ku Riyoon jirnay Xuquuqdan muddo 1,000 sano, laakiin waxaa Nasiib-xumo ah in Qaranka Falastiin aysan weli helin Xuquuqdan” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha   dalka Slovenia, Robert Golob.
 Xukuumadda dalka  Slovenia waxay isbuucii hore Barlamaanka u gudbiyeen Moshinka Ictiraafka Dowladda Falastiin, oo ay horey u aqoonsadeen in ka badan 140 dal oo ay ku jiraan dhowr Waddan oo ka tirsan Ururka Midowga Europe ee EU.