Dagaalyahanada Xamaas ayaa tiro gantaallo ah ku riday magaalooyinka Israa’iil, waxaana ku dhintay weerarkaas nin ku sugnaa deegaan dhaca bariga magaalada Tel Aviv.
Weerarkan ayaa ahaa mid ay uga argoosanayaan duqeymo ay xaley Israa’iil ka geysatay xero qaxooti oo ku taalla Qaza.
Saraakiisha Falastiin waxay sheegeen in duqeyntaas ay ku dhinteen ugu yaraan 14 qof oo ay kamid yihiin carruur iyo qof dumar ah.
Militeriga Israa’iil waxay sheegeen inay beegsadeen dhismo ay degenaayeen dagaalyahanada Xamaas.



