Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalka ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ee u dhaxeeya Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Ururka Ahlusunna.
Dagaalka ayaa ah Mid ku faafay Xaafaddaha kala duwan ee Magaalada Dhuusamareeb.
Ciidanka AMISOM ayaa ku guuldareystay joojinta dagaalka, waxaana diiday Ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusunna.
Daawo La’aan ayaa ka taagan Isbitaalka Magaalada Dhuusamareeb oo la gaarsiiyay dhaawacyo badan.
Waxaa sidoo kale dhaawacyo la gaarsiiyay Magaalooyinka Caabudwaaq iyo Cadaado.
Waxgaradka Magaalada Dhuusamareeb ayaa wadda dadaallo kala duwan oo lagu joojinaayo dagaalka Magaalada Dhuusamareeb.