Dagaal xooggan oo saaka ka socda Degmada Hodan.

Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo rag hubeysan ayaa saaka waxaa uu ka socdaa Garoonka Horseed ee ku yaalla isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo horay u aheyd kooxdii Horseed ee kubadda cagta ee Militeriga Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in iska horimaadku uu dhexmarayo ciidamo ka tirsan dowladda iyo rag shacab hubeysan ah oo ka gadoodsan barakicin lagu wado.

Ciidanka ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen koox hubeysan oo gudaha xerada isku aruursaday, kuwaas oo diidan in dadka deegaanka laga saaro dhulkaas.

Labada dhinac ayaa isku adeesanaya hubka noocyadiisa kala duwan. waxaana la soo warinayaa khasaare kala duwan inkastoo aan la helin tiro rasmi ah oo dhimasho ama dhaawac ah.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhawaqa rasaasta laga maqlayaa degaannada ku dhow Garoonka Horseed.