Dagaal xooggan ayaa xiligan waxaa uu ka socdaa deeganka Bursha Sheekh ee gobolka shabeelada dhexe, waxaa uuna u dhexeeya Ciidanka xaq udirirka ee loo yaqaan macawisleyda Iyo kooxda Al-Shabaab.
Maleeshiyaadka deegaanka ayaa weerar xoogan ku qaaday xubno ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanadaasi.
Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dhinacyada ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona la maqlayo dhawaqa rasaasta iyo madaafiicda culus oo ay is waydaarsanayaan dhinacyada dagaalamaya.
Khasaare xooggan ayaa la soo werinayaa in la gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-shabaab ee weerarka lagu qaaday, inkastoo aan la ogeyn tirada saxda ah ee laga dilay kooxda.
Gobolka shabeelada Dhexe ayaa waxaa ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab, kaasi oo la doonayo in laga saaro deegaano ay dhawaan la wareegeen kooxda.



