Dagaal u dhexeya laba maleeshiya Beeleed oo ka socda galbeedka gobolka Mudug

 Faah-faahino ayaa ka  soo baxaya dagaal xooggan oo saakay ka qarxay galbeedka gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda maamullada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu si gaar ah uga socdo aagga deegaanka Jiicboor, iyada oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilo wareedyo laga helayo dadka deegaanka ah ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka uu kusii fidayo goobo horleh, isla-markaana ay jiraan khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Illaa hadda lama  xaqiijin karo  khasaaraha ka dhashay dagaalka .