Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal khasaare geystay uu ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab uu ku dhexmaray deegaanka Xamiir Gaab oo ku yaalla duleedka Buuloburde.
Inta la xaqiijiyay 1 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa dagaalka ku dhintay , halka 3 kalena uu dhaawac soo gaaray.
Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu soo waramaya in ay jidka u galeen kolonyo ka tirsan Gawaarida ciidanka dowladda Soomaaliya , kuwaa soo kusoo jeeday magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.
Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan deegaanka Xamiir Gaab ee duleedka magaalada Buulo burde ayaa Risaala u sheegay in dagaalku uu socday muddo saacaddo ah.
Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab wali kama hadlin dagaalka Maanta ka dhacay duleedka magaalada Buuloburde.


