Dagaal ka socda degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelada Hoose

Wararka ka imaanaya degmada Qoruooley rr gobolka shabeelada Hoose ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed ka socdo degmada Qoryoleey ee gobolka Shabeellaha Hoose

Dagaalka ka socdaa xaafada Buunda weynta  iyadoo uu saameeyay dhaq dhaqaaqa dadka iyo Gaadiid  ee degmadas .

Wararka ayaa sheegaya in dhinacyada dagaalamaya ay isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka in kastoo uu wali socdo mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo ku aadan dagaalka ka socda degmada Qoryooleey.

.