Dagaal ka socda degaan ka tirsan Gobolka Mudug

Dagaalka oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa waxa uu ka socdaa duleedka Deegaanka Hareeri dheere ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada dowladda oo dhaq dhaqaaq Maanta ka wada Gobolka Mudug ay weerareen Goob ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dadka degaanka ayaa waxaa ay ku warramayan in uu socdo dagaal la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, balse aysan weli xaqiijin Karin khasaaraha ka dhashay.

Dagaalka ayaa daba socda howlgal Ciidamada dowladda ilaa saaka ay ka wadeen degano ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug , iyaga oo la wareegay degaanka Bacaadweyne iyo degaano kale.