Dagaal ka socda degaan ka tirsan Gobolka Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in uu  duleedka degmadaas ka socdo dagaal culus oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed.

Dagaalka oo salka ku haaya is qabqabsi la xiriira dhulal ayaa waxaa la sheegay in la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka.

Labada maleeshiyo Beeleed ee dagaalamaya ayaa waxaa la sheegay in dagaalkooda uu yahay mid soo laab laabtay, isla markaana dhowr jeer heshiis la kala dhex-dhigay.

Wararka kusoo kordha dagaalka kala socda www.radiorisaala.com