Ugu Yaraan 1 qof ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay ka dib markii Magaalada Kismaayo ay ku dagaallameen Ciidamo hubeysan.
Sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka, Ciidamada dagaallamay ayaa waxaa watay rag Ganacsato ah oo isku heystay dhul ku yaalla Magaalada Kismaayo.
Waxaa sidoo kale jira dhaawacyo soo gaaray dadka ku sugnaa halka lagu dagaallamay.
Ciidamada Booliska maamulka Jubbaland ayaa ku guuleysteen in ay joojiyaan dagaalka ,islamarkaana ay kala dhexgalaan.
Xaaladda Magaalada Kismaayo ayaa hadda degan.


