Dagaal ka dhacay degmada Diinsoor iyo faah faahino kasoo baxaya

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Ciidamada Dowladda Itoobiya ee kamid ah howlgalka ATMIS ee ka howlgalla degaannada Koonfur Galbeed  iyo Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ku dhexmaray degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, kaas oo geystay khasaaro kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii sida la sheegay Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee degmada Diinsoor, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooganaa oo muddo saacad ku dhow socday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena Ciidamada Itoobiya ay adeegsanayeen madaafiic cul culus oo siweyn looga dareemay degmada Diinsooriyo degaannada hoostaga.

Weli majirto cid heshay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, waxaana Ciidamada Itoobiya dagaalka kadib ay sameeyeen howlgallo baaritaano ah wallow aan la sheegin dad ay kusoo qabteen.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Diinsoor ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan, waxana halkaasi gacanta ku haya Ciidamada Itoobiya, kuwa dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed.

Dagaalka ku dhexmaray degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Magaalada Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dagaalameen Ciidamada Uganda eek amid ah howlgalka ATMIS iyo Al-Shabaab, taas oo keentay in Ciidamada Uganda ay isaga baxaan Magaalada.