Dagaal ka dhacay Degaanka Nuur Dugle ee gobolka Shabeelada Dhexe

Wararka  ka imaanaya deegaanka Nuur Dugle oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in  uu ka dhacay dagaal muddo saacado ah socday.

Dagaalka ayaa bilowday ka dib markii  xubno kaa tirsan Alshabaab ay weerareen degaanka Nuur Dugle ee gobolka shabeelada Dhexe.

Ciidamada deegaanka ee Macawisleyda  oo ku sugan degaaankaas ayaa la sheegay  in ay iska caabiyeen Xubnaha Alshabaab ka Tirsan ee weeraray degmadaas.

Ilaa  hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka , balse wararka ayaa sheegaya in la maqlayay  rasaas xooggan oo labada dhinac is waydaarsanayeen.

Xaalada ayaa haatan degaan waxaana degaanka Nuur Dugle gacanta ku hayaa Ciidamada Degaanka ee Macawisleyda.