Dagaal ka dhacay degaan u dhow degmada Moqokori & Maamulka oo ka hadlay

Dagaal oogan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa Maanta waxaa uu ka dhacay degaanka Ceelqooxle oo hoostaga degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan, kaas oo geystay khasaaro kala duwan.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno katirsan ururka Al-Shabaab weerar qaraxyo ismiidaamin ahaa ku bilaawday ay ku qaadeen Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ee ku sugan degaanka Ceelqooxle oo kuyaalla xadka Gobolada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe dhinaca degmada Aadan yabaal.

Guddoomiyaha degmada Maxaas ee G/Hiiraan Muumin Maxamed Cilmi ayaa sheegay in khasaaro ay Al-Shabaab ku gaarsiiyeen dagaalka, balse uusan wax faah faahin dheeri ah ka bixin, isaga oo sheegay in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Ciidamada xoogga dalka iyo dadka degaanka ay ka hortagayaan dhibaatada ay dadka ku hayaan Al-Shabaab, isla markaana ay ka guuleysanayaan.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa degaano katirsan Gobolka Hiiraan waxaa ka socday howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, iyada oo Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ay la wareegeen degaano dhowr ah oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.