Dagaal culus ayaa ka billowday magaalada Xalab ee dalka Suuriya, kaddib markii ay dhammaatay muddadii xabad joojinta ee socotay dhawrka maalmood.
Sida ay sheegtay koox xaquuqul insaanka ka shaqeysa oo reer Suuriya ah oo saldhiggeedu yahay dalka Britain, dagaalka iyo duqeymaha ayaa billowda xalay, waxaana diyaaradaha dagaalka ay duqeymo la beegsadeen furimaha hore ee ku yaala koonfur galbeed magaaladaasi Xalab.
Sidoo kale degmooyinka ku yaala bariga magaaladaasi ayaa waxaa ka jiray dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Suuriya iyo kooxaha fallaagada.
Waxaa jira walaac ku saabsan gargaarka bani’aadanimo oo aan la gaarsiin magaaladaasi muddadii ay xabbad joojinta ka jirtay.
Heshiiskaasi xabbad joojinta ayaa markii hore waxaa ku dhawaaqay dowladda Ruushka oo iyadu duqeymo ay ku taageereysay dowladda ka wadday magaaladaasi.


