Dagaal u dhaxeeyo ciidamo ka tirsan maamulka Ahlu sunna iyo ciidan uu horkacayo sarkaal lagu magacaabo Liibaan madaxweyne ayaa ka socdo magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.
Dagaalka oo bilowday xalay saqdii dhexe, ayaa lagu soo waramayaa inuu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, waxaana saaka adag in faahfaahin dheeri ah laga helo dagaalka iyo waxyeelada ka dhalatay.
Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in dagaalka uu ka bilowday magaalada xilli saq-dhexe ah oo dadka ay wada hurdayeen, waxaana uu soo gaaray ilaa waaberiga saaka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo ka tirsan dowlada ay dhankooda la wareegeen deegaan ku yaala duleedka magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.
Xiriiro aan la sameynay maamulka Ahlu sunna ayaanan suuro gal ka dhigin inaan xog ka helno dagaalka iyo xaalada magaalada.
La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.


