Dagaal dhex-maray Al- Shabaab & Dad Xoolaley ah

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab iyo dad xoolaley ah ku dhex-maray deegaano duleedka ka ah degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa ka dambeysay sida ay sheegeen horjoogayaasha dadka Xoolaleyda ah in Al-Shabaab ay xoog uga kaxeysteen geel farabadan taa soo keentay inay la-dagaalamaan.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka yab-yab oo hoostaga degmada xuddur ee gobolka bakool,waxaana la sheegay in ay ku geeriyoodeen 4 ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen oo labada dhinac ah.

Ugaas Cali Dirir waxa uu ka mid yahay abaabulayaasha Deegaanka ee isku biirsaday in ay la dagaalamaan Al-Shabaab,waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladda ay garab ka heleen,isla markaana ay iska difaaceen Al-Shabaab oo doonayay inay Xoolo kale ka kaxeystaan.

Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay beegsanayaan dad gaar ah, kadib markii ay soo baxeen dad is abaabulay oo la magac baxay Cali Qaran ay bilaabeen inay la-dagaalamaan.

Si kastaba dagaalkaan Al-Shabaab iyo dad xoolo Dhaqato ah ku dhexmaray deegaano hoostaga degmada xudur ee Gobolka Bakool ayaan weli dhankooda aysan ka hadlin Al-Shabaab.