Dagaal Culus oo ka dhacay Shabeelaha Hoose

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ay kusoo waramayaan in dagaal culus oo u dhaxeya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab uu xalay ka dhacay degaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa lagu soo waramaya in uu xalay uu ka dhacay degaano hoos yimaada gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan degmooyinka Wanlaweyn iyo sidoo kale Agooye.

Degaanada Tixsiile iyo War-maxan ayaa lasoo sheegaya in Al-Shabaab ay xalay Weerar kusoo qaadeen , islamarkaana ciidanka dowladda Soomaaliya ay iska difaaceen.

Dagaalka ayaa la sheegaya in uu sababay khasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaalku uu wali socdo.