Dagaal culus oo ka dhacay duleedka Magalada Kismaayo

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ku dhex-maray deegaanka Cabdalla Biroole ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa sida la sheegay waxaa uu yimid,kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada Jubbaland ee deegaanka Cabdalla Biroole,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo saacad ku dhow socday.

Dadka deegaanka Cabdalla Biroole ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka xoogiisa uu dhacay Gabal-dhicii shalay uuna soo gaaray ilaa xalay,isla markaana ay maqlayeen dhawaqa hubka kala duwan ay isku adeegsanayeen labada dhinac, hayeeshee aysan cadeyn Karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas.

Al-Shabaab oo dagaalkaas ka hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalkaas ay ku dileen Saddex kamid ah Ciidamada Jubbaland,sidoo kalena ay qabsadeen saanad Ciidan wallow aysan jirin dad madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaanka Cabdalla Biroole ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay deegaankaas ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan Ciidamada Maamulka Jubbaland,waxana mararka qaar la maqlayaa rasaas ay ridayaan Ciidamada Jubbaland.