Dagaal culus oo dhexmaray ciidanka Jubbaland iyo Shabaab

Baar-sanguuni-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar la isku gabal dhacsaday oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Buundada Araare oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Weerarkan ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Jubbaland oo waday hawlgal sahmin ah ay Buundada Araare weerar dhabagal ah kagala kulmeen dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan ururka Al-shabaab.

Ilo xog ogaal ah oo soo xiganaya Saraakiil Millatari ayaa waxa ay sheegeen ciidanka Jubbaland ee weerarka lala eegtay inay ka baxeen deegaanka Baar-sanguuni, ayna wadeen sahmin ku saabsan in sahay lala gaari karo ciidamo ka tirsan dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland oo ku sugan deegaano ku dhaw degmada Jillib.

Dagaalyahano Shabaab ka tirsan oo tiro ahaan kor u dhaafaya 200 askari ayaa ciidankan markii ay marayeen Buundada Araare la eegtay weerar culus oo ku bilowday Qoryaha garbaha laga tuuro, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo labada dhinac dhexmaray.

Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in weerarkan khasaare dhimasho iyo dhaawac badan lagu gaarsiiyay ciidanka Jubbaland ee wadadaasi ku socdaalayay, maadaama Shabaabka ay markii horeba u soo diyaar garoobeen dagaal, balse ciidamadu xilligaasi aysan dagaal filaneyn.

“Aniga dagaalka wax badan kama sheegi karo, laakiin waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ciidanka Jubbaland lagu gaarsiiyay dagaalkan, ciidamada qaar way dhinteen, qaarkood way dhaawacmeen, halka qaar kalena aan maqalnay in nolosha lagu qabtay, waxaa baxsaday tiro yar, xaalada deegaanka way kacsan tahay, intaas ka badan ma dhaafsiin karo.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.

Saraakiisha ciidamada maamulka Jubbaland oo weerarkan si kooban uga hadlay ayaa waxa ay sheegeen inuu jiro khasaare labada dhinac ah oo dagaalkan ka dhashay, balse aanay hada faah faahin Karin, waxay kaloo tilmaameen in ciidamo gurmad ah ay u direen Buundada Araare oo dagaalka xoogiisa uu ka dhacay.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan, maadaama xilli casir liiq ah ay aheyd ayna adag tahay in la helo faah faahin rasmi ah, balse waxaa la sheegay dagaalka inuu ahaa geystay khasaare badan.

Buundada Araare ayaa 7-KM u jirta degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana dhawr mar gacanku heynteeda isku bed bedalay ciidanka dowladda iyo xoogaga ururka Al-shabaab.