Dagaal ka socda degaan ka tirsan Gobolka Hiiraan

Wararka laga helayo degaanka Nagaarta oo hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in uu halkaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya laba maleeshiyo Beeleed.

Dagaalka oo salka ku haayo isqab qabsi la xiriira dhul daaqsimeed ku yaalla degaanka nagaarta ayaa ah mid soo laab laabtay, waxana jira qasaaro ka dhashay dagaalka Maanta.

Dhawaan waxaa jiray heshiis horudhac ah oo laga gaaray dagaalka labada Beeleed, balse la sheegay in uu burburiyay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warameen in dagaalka uu weli ka socdo degaanka Nagaarta, isla markaana ay maqlayaan dhawaqa rasaasta ay isku ridayaan la ada maleeshiyo Beeleed

Wararka kusoo kordha kala socda www.radiorisaala.com