Soomaaliland ayaa Maanta shaacisay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaas oo baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay Cudurka COVID-19 halka ay kordheen dadka cudurka u geeriyooday.
War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in la baaray 83 Ruux balse 19 kamid ah Cudurka laga helay,kuwaas oo haatan ku jira xaalad karantiil ah.
Dadka Cudurka laga helay oo isugu jira 12 Rag ah 7 Dumar ah ayaa waxaa ay ku kala sugan yihiin 18 Ruux Magaalada Hargeysa iyo hal qof oo ku sugan Magaalada Gibileey.
Sidoo kale Guddiga waxaa ay sheegeen in Cudurka uu u geeriyooday hal Ruux oo rag ah,kaas oo ku sugan Magaalada Burco halka ay ka bogsadeen 9 qof.
Ugu dambeyn Guddiga waxaa ay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaannada Soomaaliland ay gaartay 449 Ruux 73 Qof ay ka bogsoodeen halka 25 Ruux ay u geeriyoodeen.



