Dadaalo lagu xalinaayo Colaada Gobolka Mudug oo bilaawday

Guddoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka Ismaaciil Macalin Muuse ayaa sheegay inay ka walwalsanyihiin colaadda ka soo cusboonaatay Gobolka Mudug, isla markaana ay ku baaqayaan in si deg deg ah oo sharuud la’aan ah lagu joojiyo dagaalka.

Guddoomiyaha oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay inay wadaan dadaallo ay kula xiriirayaan Odoyaasha dhaqanka beelaha walaalaha ah ee ay colaaddu ka dhexeyso, ayna dhankooda dalbanayaan in la qaato baaqa ah in dagaalka la joojiyo.

“Dagaaladaas waxa ay dhexmarayaan dad ehel ah, isku deegaan ah, isku dhaqan ah iyo isku dhalasho ah, waxaana ku baaqaynaa inay si deg deg ah oo sharuud la’aan ah ay ku joojiyaan colaadda ka soo cusboonaatay Afbarwaaqo iyo Towfiiq ee Gobolka Mudug”.ayuu yiri Guddoomiye Ismaaciil.

Mudane Ismaaciil Macalin Muuse ayaa xusay in waxgaradka deegaannadaas ay ka codsanayaan in dagaalka la joojiyo oo ay ka wada hadlaan waxkasta oo sababay gacan ka hadalka, si loo helo xal waara.

“Waxaan markale codsaneynaa in laa qaato baaqa ah joojiya xabadda, dagaal wiilbaa ku dhintee wiil kuma dhasho, runtii waxaan ka rajeyneynaa in Odoyaashu ay waxkasta ku dhameeyaan miiska wada hadalka” ayuu yiri Guddoomiyaha Dib u heshiisiinta Qaranka.