Dad lagu dilay meel kamid ah Dowlad deegaanka Soomaalida

Dadkaan la dilay oo gaaraya ilaa Afar,isla markaana dhamaantood Shacab ahaa ayaa waxaa la sheegay in ay weerareen Ciidamo ka tirsan Gobolka Erar  iyo Hoggaanka Amniga Salaxaad ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay Tuulo lagu magacaabo Gabi-Cas oo hoos timaada Degmadda Raaso,waxana dadka la dilay ay kala ahaayeen Hooyo iyo Oday 80 jir ah Wiil  3 sano jir ah iyo Gabar 5 sano jir ah,kuwaas oo u geeriyooday rasaas lagu furay.

Odayaasha  Dhaqanka deegaanka weerarka uu ka dhacay ee Gabi-cas ayaa Dhaqanka baaqay  Madaxweynaha DDS Mustafe Muxumed Cagjar in uu talaabo ka qaado Hoggaanka Amniga Salaxaad iyo kan Gobolka Erar oo ay falkaasi ku eedeeyeen.

Ilaa iyo hadda macada sababaha ugu weyn ee loo dilay dadkaasi Shacabka ah,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in falkaasi uu daba socdo mid dhawaan ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.