Dad ku Sumoobay Boorash ay Cabeen Muqdisho

Ku dhawaad 35 qof ayaa Isbitaalka Banaadir ee Muqdisho Koomo ugu jira ka dib markii ay cabeen boorash sumeysan sidda ay xaqiijisay Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshadda gobolka Banaadir Basmo Caamir.

Dadkaan ayaa dhibaatadaan waxa ay ka soo gaartay jikooyin lagu kariyay boorash sumeysan oo ku kala yaallay degmooyinka Waaberi iyo Kaxda.

Qaarkood dhaqaatiirta Isbitaalka ayaa la tacaalaya halka qaar kalena ay ku suan yihiin xaalad halis ah sida ay sheegtay Guddoomiye Basmo.