Dad ku dhintay duqeyn ka dhacday gobolka Tigray

Displaced Tigrayan women Tarik, 60, center, and Meresaeta, left, who fled from the town of Samre, roast coffee beans over a wood stove in the classroom where they now live at the Hadnet General Secondary School which has become a makeshift home to thousands displaced by the conflict, in Mekele, in the Tigray region of northern Ethiopia Wednesday, May 5, 2021. The Tigray conflict has displaced more than 1 million people, the International Organization for Migration reported in April, and the numbers continue to rise. (AP Photo/Ben Curtis)

Shaqaalaha gargaarka ah ee ka howlgala waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in dad badan ay ku dhinteen duqeyn cirka ah oo lagu qaaday xero ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalla gobolka waqooyiga ku yaalla ee Tigray.

Ma jiro war madax banaan oo xaqiijinaya weerarka lagu qaaday iskuul ku yaala degmada Dedebit balse sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarka oo lagu daweynayo isbitaal.

Shaqaalaha gargaarka waxay sidoo kale sheegeen in 56 qof ay ku dhinteen duqeynta halka 30 qof kalena ay ku dhawaacmeen weerarka.

Inkasta uu si kumeel gaar ah u joogsaday dagaalkii u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo fallaagada Tigray, waxaan weli sii socdaa duqeymaha ka dhanka ah fallaagada.