Dad ku dhintay dab ka kacay Xero ku taalla Hargeysa

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhimatay dab qabsaday xaafad isku raran ah oo ku taalla magaalada Hargeysa, sida uu  xaqiijiyay Guddoomiyaha Magalada  Hargeysa Jaamac Yuusuf Xaaji Axmed.

Waxaa jira dad dhaawac ah oo aan wali tiradooda la xaqiijin,waxaana wararka lagu helayaa in dabka uu ka kacay Xerada barakacayaash ee Istanbul B oo ah oo ku taalla Bariga magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay dhibaato kala kulmeen sidii loo damin lahaa dabka, maadaama aysan waddooyin fiican lahayn xerada gubatay.

Qiyaas ahaan in kabadan soddon kun oo ruux oo barakacayaal ah ayaa ku nool hareeraha magaalada Hargeysa, sida uu sheegay duqa magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Caydiid.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in ay ku hawlan yihiin sidii barakacayaasha loo caawin lahaa loona dajin lahaa dhul nidaamsan oo ay leeyihiin.