Banaanbaxyo rabshado wata, islamarkaana ay ku dhawacmeen haweenay iyo wiil araday ah ayaa maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Dadka dhaawacmay ayaa waxaa haleeyey rasaas la sheegay inay rideen Ciidamada Ammaanka Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal.
Mudaaharaadayaasha ayaa la sheegay inay dalbanayeen in sharciga la horkeeno ciddii dishay nin shacab ah oo ku dhintay shalay galab rasaas ay rideen ciidamo hawlgal ka samaynayey gudaha Garoowe.



